Dad Kartoon lagu Dhoofinayay oo lagu Qabtay Uganda.

Kampala (HCTV)Saraakiisha Waaxda cashuuraha ee dalka Uganda, ayaa qabtay laba qof oo ku jiray Kartoonka Buskudka lagu dhoofiyo oo saaran baabuu kuwa xamuulka ah.

dadka kartoonka lagu xidhay ayaa u dhashay wadamada afrika qaarkood oo aan la xusin waxaana lagu dhex qariyay alaab badan oo saaran gaadhi xaamuul siday oo doonayay inuu ka gudbo kastam Uganda ku leedahay Busia oo ku taala Xuduudka ay la wadaagto Kenya.

Sarkaal ka tirsan waaxda dakhli ururinta ee Uganda oo lagu magcaabo Dicksons Collins, ayaa u sheegay wargeyska Dailymonitor in aaladaha Shixnahada lagu baadho ee  afka qalaad loo yaqano (scanner-ka) ay qabteen sawirka labada qof oo dhex jiifay xamuulka baabuurka saarnaa, markii shaqaalaha kastamku ay baadheen ayay ugu tageen laba nin oo kartoon ku jira.

labada qof ee xamuulka lagu tahriibinayay ayaa la xidhay jimcihii, waxaana ciidamada amniga ee Uganda ay qaadeen magaalada Kampala si ay halkaasi ugu waraystaan.

HORN CABLE TV

WAAXDA ONLINE-KA

They were intercepted on Friday at Busia border