Madaxweyne Biixi Oo Kormeeray Suuqa Badhtamaha Hargeysa

Image may contain: 6 people, people smiling

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Xadhigga ka jaray Carwo u gaar ah Hay’adaha ka shaqeeya Dhaqaalaha, sida Bangiyada iyo Shirkadaha Caymiska.

Carwadan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa waxa ka qayb-gelaya Baanka dhexe ee Dawladda iyo Baananka kale ee Madax-bannaan ee Somaliland ka shaqeeya iyo Shirkadaha bixiya Adeegyada Caymiska.

Madaxweyne Biixi markii uu furay Carwadan wuxuu kormeer ku soo maray Suuqa Badhtamaha Caasimadda Hargeysa, gaar ahaan qaybta ay fadhiistaan Sarrifleyaasha waaweyni.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu kormeeray oo uu xog-warran la yeeshay Dadka Meheradaha suuqa ku haysta Qaarkood.

Warkan oo Faahfaahsan iyo Sawirrada  

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka