Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Dacwad Laga Gudbiyey

Hargeysa, (HCTV) – Cabdi Cali Jaamac oo ah khabiir dhinaca xayawaanka ah iyo Mahad faarax oo u dooda xuquuqda Xayawaanka ayaa sheegay inay Maxkamada sare ee Somaliland ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah masuuliyiinta ugu saraysa Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay si sifo sharci daro ah ay xayawaanka loo yaqaano Harimacadka ay ugu dhoofinayaan wadankaasi Koonfur Afrika.

Harimacadkan ayaa lagu hayaa magaalada Hargeysa kadib markii Wasaaradu ay ku soo qabatay dad doonayey inay wadanka uga dhoofiyaan si qarsoodi ah.

Hase yeeshee Masuuliyiinta Wasaarada Deegaanka ayaa lagu eedeeyey inay qorshaynayaan inay dalka ka dhoofiyaan xayawaankaasi duurjoogta ah.

“Aniga waxa la yidhaahdaa Cabdi Cali Jaamac (Gadhle) waxaan maanta halkan u joognaa arin foolxun oo socota oo Wasaaradeena deegaanku duurjoog Harimacad ah oo dadweynaha laga soo qabtay oo la hayo oo sharcigeenii uu leeyahay lama taaban karo duurjoogta Somaliland.

Taas oo sababtaasi loo soo ururiyey oo Wasaaradu ay masuul ka tahay ayay Wasaaradu ay bilawday inay iibiso oo ay dhoofiso qaar ka mid ah oo sideed ah oo Wasaaradii ay ka go’an tahay in sideed Harimacad oo ka mid ah South Afrika la geeyo.” Ayuu yidhi Cabdi Cali Jaamac oo ka mid ah khabiirada dhinaca Xayawaanka oo la hadlay Telefishanka HCTV.

Dhinaca kale Wasaarada Deegaanka Somaliland oo telefishanka HCTV uu ugu tagay si ay uga jawaabaan eedaha looga soo jeedinayo duurjoogtan la sheegay inay dalka ka dhoofinayaan ayaa diiday inay arintaasi ka hadlaan.

Xukuumada Somaliland gaar ahaana Wasaarada deegaanka ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku soo qabqabatay dad farabadan oo doonayey inay duurjoogta Somaliland iyo kuwa bariga Afrikaba ay ka dhoofiyaan Somaliland una iibgeeyaan dalalka Carabta oo mudooyinkii u dambeeyey aad u danaynayey xayawaankaasi.

Waxaana arintan ay labadan muwaadin ee reer Somaliland ay ka dhawaajiyeen ayaa noqonaya mid foolxumo ku ah Wasaarada Deegaanka Somaliland hadii ay dhabowdo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.