IRAN Oo Qudha Ka Jartay Nin U Basaasayey CIA

HomeSomali News

IRAN Oo Qudha Ka Jartay Nin U Basaasayey CIA

Taliyaha Ilaalada Kacaanka Iiraan oo laga Xidhay Bartiisii Instagram
Faysal Oo Sheegay Inay Cirro Ku Heshiiyeen Inay Somailand Keenaan Amisom (AKHRI)
Diyaaradd Sida 132 Qof Oo Soomaali Ah Oo Ka Soo Dagtay Muqdisho
Cirro Oo Ka Hadlay Kulanka Madaxweyne Biixi Iyo Madaxda Soomaaliya (Akhri)
Safiirkii Shiinaha U Fadhiyay Israel Oo Maydkiisa Laga Helay Gurigiisa Oo Ku Yaalla Tel Aviv

Tehran (HCTV) –  Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa dil ku fulisay Nin u dhashay IRAN oo lagu eedeeyay inuu basaas u ahaa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA.

Jalal Haji Zavar oo Wasaaradda difaaca ee Dalka IRAN kula shaqaynayey Qandaraas ayaa lagu xukumay Dil, isla-markaana lagu fuliyey, ka dib markii lagu helay inuu u basaasayey CIA iyo Dawladda Maraykanka, sida Wakaaladda Wararka ee ISNA ka soo xigatay Millateriga IRAN.

Inuu CIA u basaasayey ayaa waxa ku ogaaday Waaxda Sirdoonka ee Wasaaradda difaaca IRAN, sida ay Wakaaladda ISNA sheegtay

Ninkan ayaa la sheegay inuu si Cad u qirtay in CIA u adeegsatay Lacag, si uu ugu basaaso, waxaana baadhitaan lagu sameeyay Gurigiisa laga helay qalab uu u adeegsanayey hawl-galladiisa basaasnimo.

Xaaskii hore ee Ninkan ayaa iyadana lagu eedeeyay inay ka qayb-qaadatay Hawshan basaasnimo, waxaana lagu xukumay 15 sanadood oo xadhig ah.

Dilka Ninkan ayaa ku soo beegmaya xilli Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo IRAN aad u kacsan tahay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

 

COMMENTS