Madaxweynihii Amxaarada Iyo Taliyihii Ciidamada Ethiopia Oo La Khaarajiyey

Bahirdar, (HCTV) – Isku day Afgambi ayaa lagu dilay hogaamiyihii gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisii Ezez Wasie kadib markii lagu soo weeraray xafiiskiisa, sida ay ku waramayaan warbaahinta dalka Ethiopia, kuwaas oo aan sheegin ilaa iyo hadda cid ka masuul ah weerarkaasi.

Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Taliyihii Ciidamada dalka Ethiopia lagu toogtay isku dayga afgambigaasi ka dhacay gobolka Amharada ee dalka Ethiopia.

Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia oo xidhan dharka milatariga ayaa ka hadlayey Telefishanka dalkaasi xili dambe oo xalay ahayd ayaa sheegay in General Seare Mekonnen uu ka mid yahay dhawr qof oo dhaawacyo ka soo gaadheen, waxaanu yidhi Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia “Waxa toogtay dad iskaga ku dhawaa”.

Wararka laga helayo dalka Ethiopia ayaa sheegaya in Wali xaaladu kacsan tahay deegaanka Amxaarada, ciidamada Militeriga ayaa isku gadaamay magaalada Bahirdar.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.