Somaliland: Dhismaha Taawarrada Cusub Ee Isgaadhsiinta Oo La Joojiyey

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ayaa Mabnuucday in Taawarro cusub laga dhiso Gobollada iyo degmooyinka Dalka, iyadoon ogolaansho laga haysan Wasaaradda.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, Dr. Cabdiweli Suufi Jibriil oo soo gaadhay Telefiishanka HCTV ayaa lagu sheegay in sababtu loo joojiyey Dhismaha Taawarrada cusub ay tahay cabasho Shacabku ka muujiyeen awgeed

“Iyadoo Wasaaraddu dardar-gelinaysa hab-sami u adeegsiga Goobaha isgaadhsiinta ee kala duwan isla-markaana ilaalinaysa Caafimaadka Bulshada iyo Bed-qabka deegaanka ku hareeraysan Goobaha isgaadhsiinta, sidoo kalena ay Wasaaradda soo gaadheen Cabashooyin ka imanaya Qaybaha kala duwan ee Bulshada oo la xidhiidha Taawarrada laga dhiso Goobaha la deggan yahay. Wasaaraddu waxay faraysaa dhammaan Shirkadaha haysta Ruqsadda Isgaadhsiinta iyo Tv-yada adeegsada Hirarka Isgaadhsiinta inaan Goob ama Taawar cusub la dhisi karin illaa ogolaansho laga helo Wasaaradda iyadoo loo raaci doono ogolaanshaha dhisidda Taawarrada “Hagaha iyo Hab-raacyada Goobaha isgaadhsiinta” ee Wasaaraddu u dejisay arrinkan.

Sidoo kale,  waxaan ka codsanaynaa dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ee arrinkani khuseeyo, sida Wasaaradda Arrimaha gudaha, Ciidanka Booliska iyo Dawladaha hoose inay gacan naga siiyaan dhaqan-gelinta wareegtadan..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka