Cabsi Laga Qabo IRAN Iyo Ruushka Oo Kor U Qaadday Suuqa Kala Iibsiga Hubka

Paris (HCTV) – Shirkadaha Sameeya Hubka ee Maraykanka ayaa sheegay in baahida reer Yurub u qabaan Diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano Jet-ka, Gantaalaha difaaca iyo Noocyada kale ee Hubku aad kor ugu kacayo, taasina ay sabab u tahay wer-wer-ka ay ka qabaan Ruushka iyo IRAN.

Dawladda Maraykanka ayaa Koox khuburo sare ah oo uu ku jiro Xoghayaha Ganacsiga Wilbur Ross wuxuu u diray Bandhigga diyaaradaha oo sanadkan lagu qabtay Magaalada Paris, halkaasi oo Shirkado ka badan 400 oo Maraykan ahina ku soo bandhigayeen Qalab.

Shirkadaha sameeya Lockheed Martin, Boeing iyo noocyada kale ee hubka halista ayaa sheegay inuu kor u kacayo baahida loo qabo hubka lagu farsameeyo Maraykanka, marka la eego kor u kaca xurgufta Ganacsi ee Maraykanka iyo Yurub .

“Laba Bandhig oo hore loogu qabtay Paris, ma jirin dalab badan..” ayuu yidhi, Rick Edwards oo Madax ka ah Shirkadda farsamaysa diyaarado dagaal, “Xilligan, Kor u kaca Suuqa Lockheed Martin ee Adduunku waa Yurub..” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Qaramo badan oo Yurub ayaa kor u qaaday dhaqaalaha ay ku kharash-gareeyaan Ciidammadooda Millateriga, tan iyo markii uu Ruushku qabsaday Gobolka Crimea ee Ukrain, sanandkii 2014-kii, waxayna joogteeyeen Gantaalaha difaaca, waxayna horumariyeen Diyaaradahooda dagaalka.

Dawladaha Xubnaha ka ah NATO waxay isku raaceen sannadkii 2014-kii in 2% ka mid ah wax soo-saarkooda ku kharash-gareeyaan difaaca.

Eric Fanning oo ah Agaasimaha Ururka Warshadleyda soo saara Qalabka difaaca Cirka ee Maraykanka iyo Madax ka qayb-gashay bandhiggan ku soo beegmaya muranka IRAN iyo USA ayaa si isku mid ah u sheegay Cabsida laga qabo Koboca Gantaalaha difaaca IRAN uu yahay qodob kale oo muhiim ah.

Diyaaraddii Drone-ka ahayd ee Dawladda IRAN ka soo ridday Maraykanku wuu ka soo habsaamay Bandhiggan, sida ay sheegayso Reuters oo HCTV soo xigtay, laakiin Agaasimayaashu waxay sheegeen inuu taageerayo uun in baahida hubka loo qabaa korodho.

“IRAN waa horumariyaha ugu wanaagsan ee Ganacsigayaga, Xilli walba waxay sameeyaan sidan oo kale, waxay kor u qaadaan Digniinaha cabsida leh..” ayuu yidhi, Khabiir ah Guddoomiye ka ah Warshad soo saarta Qalabka Ciidammada, kaasi oo codsaday inaan Magaciisa la sheegin.

Edward oo Madax ka ah shirkadda soo saarta Diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano F-35 ayaa sheegay in dalalka Poland, Belgium, Bulgaria, Romania iyo dalalkii hore uga midka ahaa Soviet ay dalbadeen Diyaaradahaasi, iyagoo doonaya inay iska beddelaan qalabkoodii hore ee dagaalka.

Edwards iyo Guddoomiyeyaasha Shirkadaha Hubka ka shaqeeyaa waxay sheegeen in aanay shaqadooda wax saamayn ah ku yeelanin dagaalka ganacsi ee Maraykanka iyo Midowga Yurub.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka