Sucuudiga Oo Dhoofka Xoolaha Somaliland Ku Xidhay Soomaaliya

Hargeysa (HCTV) – Dawladda Sacuudiga ayaa sannadkan shuruud cusub ku soo rogay xoolaha Somaliland uga dhoofa Dalkiisa.

Qoraal rasmiya oo ay u soo direen Xukuumadda Somaliland ayay ku sheegeen in dawladda federaalka Soomaaliya sannadka bixin doonta waraaqda caafimaad ee xoolaha ka dhoofaya Dekedaha Somaliland.

Wasiirka Xannaanada xoolaha iyo kalluumaysiga Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa sheegay in aanay aqbalayn go’aankaasi, waxaanu isagoo arrintaa faahfaahinaya uu yidhi “Marka hore Sucuudigu wuxuu ogolaaday in Xoolihii Xajka la fasaxo, waxaanu keenay Warqad muujinaysa in Xoolihii Xajku ay fasax yihiin, Warqaddaasi waxay wadataa Shuruudo dhowr ah, intooda badana ay tahay shuruudo Caafimaad, waa Shuruudo caafimaad oo hore u jiri jiray iyo kuwo cusub oo lagu soo kordhiyey, si kastaba ha ahaatee waxa waajib ah in Shuruudaha Caafimaad ay Wasaaraddu dhamaystirto Si Xoolahaasi.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Hal Shuruud oo siyaado ah oo aynaan hore u arki jirin ayaa sannadkan ku jirta, muddaba waxa jiray Rag wareegaya oo qorshahoodu ahaa inay lacag siyaado ah, iyagoo u maraya Qaab ah ururro fayo-dhowrka ilaaliya ama inay Dawladda Federaalka ah dhabarka geliyaan, dabadeedna ay ka helaan Ruqsado u saamaxaya iyagoo Sucuudiga la xidhiidhaya inay lacag siyaado ah ku qaadaan Warqadda caafimaadinta.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Sucuudigu wuxuu Shuruudaha soo raaciyey in Warqadda u dambaysa ee Caafimaadinta Xoolaheena laga bixin doono ama ay bixin doonto Dawladda Federaalka (Soomaaliya)..”

Wasiirku wuxuu sheegay in aanay Dawlad ahaan aqbalayn Shuruuddaasi, haddii aanay Xoolaha Somaliland toos ugu dhoofayn Sucuudiga, halka laga sii marin lahaa Muqdisho.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka