Sudan: Qareen Kaligii Loo Ogolaaday Khadka Internet-ka

Khartoum, (HCTV) – Qareen u dhashay dalka Sudan ayaa sheegay inuu ku guulaystay in Internet-ka loo soo celiyo , iyadoo khadka internetku uu ka go’an yahay dhamaan dalka Sudan oo dhan.

Abdel-Adheem Hassan ayaa maalintii axadii ku guulaystay dacwad ka dhan ahaa shirkadda Internet-ka ee dalka Sudan, Zain Sudan oo Milatariga dalkaasi ku amreen inay jaraan khadka internet-ka.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay Qareenku in guushiisu ay faa’ido u leedahay uun isaga kadib markii uu awooday inuu dacwad ka gudbiyo.

Internet-ka ayaa la jaray kadib markii ciidamada amaanku ay si xun ula dhagmeen dibadbaxayaashii ku sugnaa Khartoum.

Waxaanay dibadbaxayaashu ay doonayeen in la soo afjaro xukunka milatariga ee daba socday afgambigii ka dhanka ahaa Cumar Xasan Al-bashiir bishii April.

Mr Xasan ayaa sheegay in wakhti xaadirkan shacabka dalku ay heayaan iyagoo aan dib u helin wixii ay xaqa u lahaayeen.

Waxaanu sheegay inuu dib ugu noqday maalintii khamiisti si uu ugu soo guulaysto xaqa dad badan oo reer Sudan ah.

“Bari toole waxa aanu leenahay kulan maxkamadeed iyo maalinta ka dambaysa bari. Waxaana rajo wanaagsan ah in Hal Million oo dad ahi ay heli doonaan internetka dhamaadka todobaadkan,” ayuu yidhi Mr Xasan.

Hase yeeshee Wariyaha BBC-da qaybta Carabiga uga soo warama Khartoum ayaa xaqiijiyey in internet-ku uu wali xayiran yahay inkastoo Maxkamada Sudan ay Amartay.

Waxaanu Mr Hassan uu BBC-da u sheegay “In qaybta farsamadu ay ku guuldaraysteen in amar qoraal ah oo ay ku jarayaan internet-ka ay soo saaraan.

“Qof kastaaba waxa uu isku dayeyey inuu ka fogaado masuuliyada, ma joro qof doonayey in arintaasi lagala xisaabtamo – waa dambi caalamiya oo xadgudub ku ah xuquuqada banidaamka.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay maamulka dalka sudan in uu soo afjaro xadgudubka ka dhanka ah dadka dibadbaxaya, waxaanu madaxa UN-ka ee xuquuqda Aadamaha Michelle Bachelet uu ugu baaqay dawlada Milatariga inay soo afjaraan xayiraada saaran internet-ka xili uu khudbad ka jeedinayey shirkii golaha xuquuqal insaanka ee Qaramada Midoobay oo ka dhacay Geneva.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.