Afhayeenka Xisbiga Waddani Oo Dhaliilo U Jeediyey Xukuumada Somaliland

Hargeysa, (HCTV) – Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliilo in ay ku tumatay distoorkii dalka, isla markaana intii xukuumadani ay timid uu hoos u dhac weyni uu ku yimid doorkii Ilaalinta xuquuqal Insaanka ee Somaliland ay kaga jirtay meel fiican Bariga Afrika.

Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo sidoo kale uu kaga hadlay eedo la xidhiidha Aar Goosi iyo Aduun urursi uu ku eedeeyey xukuumada talada dalka haysa.

Ugu horayn Afhayeenka xisbiga Waddani oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Somaliland waxa saldhig u ah ku dhaqanka Dastuurka, Shareecada iyo Xeerarkeeda kale, xukuumadan Kulmiye ee hada talada dalka haysaa, Somaliland waxay isu badashay iyadoo ahayd xarunta Bariga Afrika ku taala ee xuquuqda aadamaha laga tixgaliyo in labadii sanadood ee xukuumadan Kulmiye ay talada dalka qabatay iyadoo, iyadoo xarunta xuquuqal insaanka ay Somaliland ku suntanayd inay noqotay xarunta Cadaabul Insaanka kaidb markii ay iska indha tirtay xukuumadu ku dhaqanka dastuurka iyo xeerarka dalka.

Xukuumadani markii ay talada dalka timid distoorkii dalka u yaalay meel ayay saartay xeerkiina meel ayay saartay, waxaanay la soo baxeen xaashiyo ay kala yimaadeen xafiiskoodii Kulmiye oo xukunka dalka ay doonayaan inay ku maamulaan.

Xaashiyahaa waxa saldhig u ah Aargoosi, Aduun urursi, Ummadd kala dirid iyo arin xumo, siday xeerka dalka meesha uga saartay waxa kow ka ah in heshiiskii khaatumo ee Kulmiyihii, Kulmiyahan ka horeeyey uu la galay oo quruxda jamhuuriyada Somaliland ahaa in qoladani ay u qaadatay heshiis ay jifooyin wadagaleen oo ay meesha ka saartay tixgalin gaar ahna lahaa oo isku haynta dadka iyo dalka kow ka ahayd fulinta heshiiskaasi.

Waxa laba ka ah xadhiga dadka Xasaanada leh, haday xildhibaano tahay iyo haday siyaasiyiin tahay, waa la ogaa xadhigii foosha xumaa ee lagula kacay xildhibaan dhakool waa sharci jabin weyn, Maxkamadihii ayaa waxba ku waayey, Golihii uu ka tirsanaabaa wax ku waayey, mudaa la haystay, markii dambana sidii neef xoola ah ayaa la yidhi banaanka usoo bax,” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.