Somaliland Oo Ku Kaliyeysatay Shir Ay La’ Lahayd Somalia

HomeSomali News

Somaliland Oo Ku Kaliyeysatay Shir Ay La’ Lahayd Somalia

Hay’adda Amnesty Oo Ugu Baaqday Taliska Africom Inuu Magdhow Siiyo Qoysaska Dadkii Ku Dhintay Duqaymaha Soomaaliya
Afrika: Laba Sarkaal Oo Lagu Xukumay Xadhig U Dhexeeya 10-20 Sano
Xisbiyada Somaliland Oo Kulan Degdeg Ah Yeeshay
Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ka Qayb Galay Fadhigii Golaha Baarlamaanka Somaliya.
Madaxweyne Biixi Oo Daah-furay Shirka 7-aad Ee Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Hoggaan Lagu Doortay

Nairobi, (HCTV) – Weftigii Somaliland ee uu hogaaminayey Wasiirka Arimaha dibada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa ka qaybgalay shir ay u balansanaayeen in ay magaalada Nairobi kula yeeshaan dawladda Federalka ee Somalia.

Hase yeeshee shirkan oo ay ka soo qaybgaleen Somaliland iyo xubno ka socday beesha caalamka oo ay ka Mid ahaayeen dalalka Wakiiladoodu ay fadhiyaan Magaalada Nairobi ee Maraykanka, Midawga Yurub, Sweden, Turkiga, IGAD iyo UK, ayaa goobtii shirka waxa aan ka soo xaadirin masuuliyiintii shirkaasi ku matalayey dawlada federalka ee Somalia.

Dawladda Federalka Somalia ayaa iyadu cabasho ka muujisay in Nairobi aanay ahayn meel ku haboon shirkaasi in uu ka dhaco, balse dhinaca Somaliland oo Ambassador Baashe Cawil uu ka mid ahaa masuuliyiintii Somaliland ku matalayey ayaa tilmaamay in ay aad uga xunyihiin in dawlada federaalka ee Somalia aanay qaadan fursadaasi lagu sii wadayo wadahadalada.

 

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

 

COMMENTS