Aabe Iyo Inantiisa Oo Maydkooda Laga Helay Xadka Maraykanka Iyo Mexico

Mexico, (HCTV) – Warbaahinta aduunka iyo baraha bulshada ayaa si weyn u hadal haya Aabe iyo Inantiisa oo 23 bilood jirta oo laga helay maydkooda wabiga Rio Grande oo u dhexeeya dalalka Maraykanka Mexico.

Aabahan iyo Gabadha yar ee uu dhalay ayaa ka yimid dalka El Selvaedor, waxaanu qorshahoodu ahaa inay u tahriibaan dalka Maraykanka.

Waxaana sawirka uu muujinayaa Aabaha oo Gabadhiisa yar ee Valeria oo uu ku siday laabtiisa isagoo garankii ku xambaaray hase yeeshee markii dambe ee wabigu la tagay maydkooda la arkay iyagoo biyaha wajiga kula jira oo isbarbar yaala garankuna uu sidii ugu xidhan yahay.

Waxaana raadinta Maydka Aabahan iyo gabadhiisii markii dambe la soo helay maalintii isniintii halkaasi oo Saxafiyad Julia Le Duc ay ku daabacday wargeyska ka soo baxa dalka Mexico ee La Jornada.

Badi dadka ku dhaqan dalalka Badhtamaha Maraykanka ayaa ka tahriiba dhibaato iyo saboolino baahsan oo ka jirta dalkooda iyagoo doorbida inay u tahriibaan dhinaca dalka Maraykanka.

Waxaana iskaba adag in mudooyinkii u dambeeyey magangalyo laga helo dalka Maraykanka hadii laga dalbado.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.