Xuska 26-ka June: Farriimaha Is-diiddan Ee Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Soomaaliya

Hargeysa (HCTV) – Xalay oo ku beegnayd 59 Guurada ka soo wareegtay Xilligii Somaliland ay Xorriyaddeeda ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska ayaa waxa Xaflado lagu Maamusayo waxa lagu qabtay Magaalooyinka Hargeysa ee Caasimadda Somaliland iyo Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya.

Munaasibadaha lagu qabtay Muqdisho iyo Hargeysa ayaa waxa ka qayb-galay Madaxweyneyaasha labada dhinac, waxayna khudbado ay jeediyeen ku soo bandhigeen Aragtiyahooda is-diiddan ee la xidhiidha Madax-bannaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya doonayso.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad dheer oo ku saabsan Ahmiyadda Maalinta 26-ka June u leedahay Soomaalida, maaddaama oo ay tahay markii ugu horraysay ee Calan Soomaali leedahay oo xor ah laga taagay Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale soo hadal-qaaday isla-markaana soo jeediyey in dib loo bilaabo Wada-hadalladii hakadka ku jiray ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya “Waxaan mar labaad ku baaqayaa in Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya la dardar-geliyo, waayo? Waxaynu la soconaa in muddo 30 sannadood ah uu ka lumay Dadkeena Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, markaa waxa loo baahan yahay in Runta la waajaho oo si Walaaltinimo leh Wada-hadalladii Hakadka galay halkoodii laga sii wado, la is xog-waraysto oo la daaweeyo Nabarradii laga dhaxlay Duruufii adkaa ee ina soo maray..” ayuu yidhi, Madaxweynaha Soomaaliya.

Laakiin, Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna khudbad ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Madaxtooyada, ayaa sheegay hadal ka Farmaajo aad uga fog, waxaanu yidhi “Qolada Koonfur Madaxweyneyaashooda, Baarlamaankooda iyo Shicibkooda haddaad waydiiso bal horta Magacayga maxaa la yidhaahdaa, ma ahayn laba Dawladood oo isku yimid Lixdankii, Nin qudha Afkiisa soo mari mayso, markaa maxaynu ku wada-hadlaynaa..” ? ayuu iswaydiiyey Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaa ku daray “Nin ku leh Magacaaga ma aqaano Afkaad ku wada-hadlaysaan muxuu noqonayaa.”

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay in loo baahan yahay in dib loo bilaabo wada-hadallada ayaa yimid, Maalin ka dib markii Xukuumaddiisu ka baaqsatay Wada-hadallo loogu gogol-xaadhayey Wada-hadallada labada Dal oo ka dhici lahaa Magaalada Nairobi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka