Magaca Wiil Soomaali Ah Oo Xalay Lagu Dilay London

HomeSomali News

Magaca Wiil Soomaali Ah Oo Xalay Lagu Dilay London

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Xubno Wasiirro Cusub
Fatahaado Ku Dhuftay Talyaaniga Iyo Faransiiska Oo 25 Qof Lagu La’ Yahay
Laba Qarax oo ismiidaamin ah Ayaa maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Waxaana Qaraxyadaas ka Dhashay Dhimasho iyo Dhawac Tiro badan
Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Arinta Korneel Caare.
“Ii Oggolaada Inaan Ahay Oday Dhaqameed Reer Yurub Ah Oo Somaliland Jooga…” Safiirka EU

London (HCTV) –  Magaalada London ayaa Xalay lagu dilay Wiil Soomaali ah, kaasi oo Magaciisa lagu sheegay Yuusuf Maxamed.

Wiilkan oo dhallinyaro ah ayaa Meydkiisa laga helay Tukaan uu galay, ka dib markii ay Middi lagu dhaawacay isagoo ku sugan Degmada Hammersmith oo Galbeedka London ah, halkaas oo uu ku naf-baxay.

Illaa hadda Cidna looma qabanin Dilka Wiilkan oo la sheegay inay geysteen Laba Nin, kuwaasi oo markii ay falkan geysteen baxsaday, laakiin Ciidammada Booliska oo halkaa gaadhay ayaa sheegay inay baadhitaan wadaan.

Cabdillaahi oo ah Aabbaha dhalay Wiilka la dilay ayaa sheegay in Wiilkiisu uu dhiganayey College isla-markaana doonayey inuu noqdo Injineer, Nasiib-darro’se Geeridiisu ku tahay Qarracan.

Aabbuhu wuxuu Booliska ka dalbaday inay soo qabtaan Ciddii ka dambaysa Dilka Wiilkiisa oo ahaa 18 Sano jir.

Maaha markii koowaad ee Wiil Soomaali ah oo dhallinyaro ah lagu dilo Magaalada London, laakiin waxa hore halkaa loogu dilay Dhallinyaro badan oo kale.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS