Liibiya: Khaliifa Haftar Oo Mabnuucay Duulimaadyada & Maraakiibta Ka Imanaya Turkiga

Liibiya (HCTV) – Taliyaha Ciidammada LNA ee ka dagaalama Liibiya Khalifa Haftar ayaa Mabuucay diyaarado Ganacsi oo uu kala gooshi jiray Liibiya iyo Turkiga, waxaanu amray in Ciidammadu weerarraan Maraakiibta Turkiga iyo danaha uu Turkigu ku leeyahay Gudaha Liibiya, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay oo Magaciisa la yidhaahdo Ahmed al-Mismari.

Turkiga ayaa taageera Dawladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee fadhigeedu yahay Magaalada Tripoli, taasi oo dib u qabsatay Magaalada Gharyan oo ah Magaalo Muhiim ah oo Koonfur ka xigta Magaalada Caasimadda ah ee Tripoli.

Ciidammada Dawladda Qaramada Midoobay Aqoonsan tahay, Turkiguna taageero ayaa Magaalada Gharyan ka qabsaday Ciidammada Haftar ee fadhiisinka ku leh Bariga Dalkaasi Arbacadii.

“Amarka la siiyey Ciidammada Cirku waa inay bar-tilmaameedsadaan Maraakiibta iyo Doonyaha Turkiga ee ku sugan gudaha Xuduudka biyaha Liibiya..” Ayuu sheegay Afhayeenka Khaliifa Haftra, al-Mismari Jimcihii Shalay, waxaanu intaa ku daray “Goobaha muhiimka ah ee Turkiga, Shirkadaha iyo Mashaariicda uu Dawladda Turkigu ku leedahay gudaha Liibiya waa Sharci inay bartilmaameedsadaan Ciidammadu..”

Al-Mismari oo sheegaya sababta Ciidammadoodu u beegsanayaan danaha Turkiga ayaa sheegay in diyaaradaha Turkigu ay Garaaceen Goobihii ay Ciidammadu joogeen, intii uu socday dagaalkii lagaga qabsaday Magaalada Gharyan.

“Sidoo kale, dhammaan Duulimaadyada ku socdo ama ka imanaya Turkiga waalla joojiyey, Qof kasta oo dhalashadiisu Turkish tahayna waalla xidhayaa hadduu joogo gudaha Liibiya..”

Ciidammada LNA ee Xaftar hoggaamiyo ayaa taageero ka hela Faransiiska, Imaaraadka Carabta iyo Masar, sida laga soo xigtay Diblumaasiyiin.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka