Maraykanka Iyo Shiinaha Oo Isku Waafaqay Inay Dib U Bilaabaan Wadahadalka Ganacsiga

Osaka, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa heshiis ku gaadhay shirkii wadamada G20 ee ka dhacay dalka Japan.

Waxaanu Madaxweyne Trump uu sheegay in wadahadaladu ay fiican yihiin, xili uu dalka Shiinaha ugu goodiyey inuu ku soo rogayo Cashuuro dheeraad ah oo gaadhaya $300bn (£236bn).

Hase yeeshee kulankii ka dhacay Osaka ee labada hogaamiye ee ugu dhaqaalaha weyn aduunku ay yeesheen ayaa waxa ay dawlada Washington ay xaqiijisay in aanay kordhinayn cashuuraha dheeraadka ah ee ka dhanka ah Shiinaha, taa badalkeedana ay sii wadayso wadaxaajoodka dhinaca ganacsiga eek ala dhexeeya dawlada Beijing.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Maraykanku waxa uu ku dhawaaqay in in shirkaddaha Maraykanku ay sii wadaan inay iibiyaan shirkada Technologyada ee Huawei, taas oo Washington ay ku eedaysay in dalka Maraykanku uu walaac dhinaca amaanka ah uu ka qabo.

Maraykanka iyo Shiinaha ayaa ah labada dal ee ugu dhaqaalaha weyn aduunka – kuwaas oo dagaal dhinaca ganacsiga ahi uu sanadkii u dambeeyey uu dhexmarayey.

Kadib markii Madaxweynaha dalka Maraykanku uu ku eedeeyey Shiinaha uu xado Hantida Aqooneed ee dalka Maraykanka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.