Milletariga Suudaan Xukuma Oo Aqbalay Soo Jeedinta Midowga Afrika Iyo Itoobiya

Khartoum (HCTV) – Guddiga Millateriga ah ee Suudaan sida ku meel-gaadhka ah u xukuma ayaa sheegay inay aqbaleen soo jeedinta Midowga Afrika iyo Itoobiya ee ah in dhinaca Suudaan isku hayaan dib u bilaabaan Wada-hadalladii u dhexeeyay ee joogsaday.

Generallada hoggaamiyaha Suudaan iyo Isbahaysiga Mucaaradka ayaa isku dhacsanaa toddobaaddo ka dib, tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii muddada dheer soo xukumayey Suudaan ee Cumar Xasan Al-bashiir.

Dhexdhexaadiyeyaasha ay hoggaaminayaan Ururka Midowga Afrika iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa illaa xilligaa isku dayayey inay jebiyaan (khilaafka) oo labada dhinac dib ugu laabtaan Wada-hadalladoodii tooska ahaa ee u dhexeeyay.

Dibed-baxayaasha Suudaan ayaa hore u aqbalay qorshaha  Raysal-wasaaraha Itoobiya ee siyaasadda ku meel-gaadhka ah.

soo jeedinta Midowga Afrika iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa wax yar kaga duwan soo jeedintii hore ee Itoobiya, taasi oo isbahaysiga dibed-baxayaashu soo dhaweeyeen ama aqbaleen, sida ay ku warrantay Reuters.

“Guud ahaan, Waa soo jeedin habboon in wada-xaajoodyada laga gaadho heshiis nagu hoggaamiya in la aasaaso Hay’ado ku meel-gaadh ah oo Sharci ah..” ayuu yidhi, Afhayeen u hadlay Taliska Ku meel-gaadhka ah ee Suudaan, Lieutenant General Shams al-Din Kabashi

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka