Talyaaniga Oo Xidhay Kabtanka Markab Gurmad U Sameeyey Tahriibayaal

Lampedusa, (HCTV) – Markab samafal oo laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa soo samatabixiyey 40 tahriibayaal ah oo mudo ku tabaalaysnaa biyaha badda Mediterranean-ka ee u dhaxaysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ayaa markii Markabkaasi uu soo gaadhsiisay muhaajiriintaasi xeebta Lampedusa waxa xabsiga loo taxaabay Kabtankii Markabkaasi .

Afhayeen u hadashay Markabkan Samafalka ee Sea Watch 3 oo dalka Jarmalka laga leeyahay ayaa sheegay in Kabtanka Markabka oo magaceeda la yidhaa Carola Rackete oo da’deedu tahay 31, jir ay xidheen ciidamada Talyaanigu.

Waxaanay intaasi ku dartay Afhayeen Ruben Neugebauer oo u waramaysay Wakaalada Wararka ee AFP in laga yaabo in dawlada Talyaanigu ay ku qaado markabkaasi kiis ah inuu dakadeeda uu soo galay ogolaansho la’aan, sidaa darteedna lagu xukumo kabtanka markabka 3 sanadood ilaa 10 sanadood oo xabsi ah.

Inkastoo shan dal oo Yurub ka tirsani ay maalintii jimcihii balan qaadeen inay qaataan muhaajiriintaasi oo ay dalalkooda u ogolaanayaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.