10 Qof Oo Ku Dhintay Diyaarad Ku Dhacday Dhisme Ku Yaala Madaar Ay Ka Duulaysay

Dallas, (HCTV) – Toban qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen markii diyaarad yar oo ka duulaysay magaalada Addison ee gobolka Texas ay ku dhacday dhisme ku yaala madaarka, sida uu sheegay afhayeen u hadlay magaalada Addison.

Mary Rosenbleeth ayaa sheegay in labada mishiin ee diyaaradu aanu midna badbaadin oo ay qarxeen, xili diyaaradaasi ay ka duulaysay madaarka magaalada Addison oo 32 kilometers waqooyi kaga beegan magaalada Dallas.

Diyaaradan shilku qabsaday ayaa nooceedu ahayd  The Beechcraft BE-350 King Air, sida ay sheegeen maamulka duulimaadka hawada ee federalka Maraykanka.

Waxaanay ha’adda duulimaadu ay tilmaantay in qaraxa dabku uu burburiyey diyaarada balse may sheegin ilaa iyo hada tirada guud ee saarnaa diyaarada marka laga reebo tobanka qof eek u dhintay.

Muuqaal laga duubay markii shilkaasi dhacay ayaa muujinaya diyaarada iyo dhismaha hangarka oo gubanaysa oo qiiq badani uu ka kacayo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.