Gantaal Laga Tuuray Bariga Dhexe Oo Ku Dhacay Qubrus

Cyprus (HCTV) – Gantaal Habow ah ayaa ku dhacay meel ku dhow Caasimadda Dalka Qubrus xilli hore oo Axaddii Shalay.

Gantaalkan oo Xawaare sare ku socday ayaa dul-maray Caasimadda Dadka badan ee Nicosia, waxaanu markaa ka dib cuskaday dhinaca Buuralayda, waxayna Masuuliyiinta Qubrus gantaalkan ku qeexeen inuu yahay mid kaga iman kara waxa ka dhex socda Isreal iyo Suuriya.

Gantaalkani waxa uu ka dhacay gobolka Tashkent (Vouno), Axaddii Saacadda Qubrus markay ahayd 1:00 AM oo waafaqsan (2200 GMT Saacadda Caalamiga ah), Gobolkaasi oo Waqooyi-bari ka xiga Caasimadda Nicosia qiyaastii 20KM, waxyeeladiisuna waxay ahayd dab halkaa ka kacay iyo Qaraxiisa oo Dhul fog laga maqlay.

Cid ku dhimatay ama ku dhaawacantay ma jirto Gantaalkan Habowga ah, laakiin wuxuu sababay Wer-wer laba weji leh, kuwaasi oo mid ka mid ahi yahay sida aanay dhinacyada dagaalamayaa u tixgelinayn amniga jaarkooda.

Reuters oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay ayaa sheegtay in Xilliga uu gantaalkani cuskaday Qubrus inay hawada ku jirtay diyaarad Isreal leedahay oo Gantaal ridday, halka Warbaahinta Dawladda Suuriyana laga soo xigtay in Gantaalka Diyaaradaha Isreal rideen ay ka jawaabtay Suuriya.

“Waanu fahannay in Gantaalka halkan ku soo dhacay ay Suuriya Ridday..” ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha dibedda ee Qubrus oo Shir-saxaafadeed arrintan kaga hadlay.

Qubrus waxay sheegtay in Gantaalkaasi waxyeeleeyay dhul gaadhaya 50KM oo isku-wareeg ah.

Gantaalkan ayaa Cilmi-baadhayaashu sheegeen in noociisu yahay S-200, waxyeellana gaadhsiin karo Dhul Cabbirkiisu gaadhaya 400KM (249 Miles), lana bah yahay hubka noociisu yahay Gantaallaha S-400 ee Turkigu qorsheeyay inuu ka iibsado Russia.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka