Kashmir: 31 Qof Oo Ku Dhintay Shil Bas

Kashmir, (HCTV) – Bas yar oo dad badan ay ka buuxaan ayaa jar dheer oo ku yaala buur dusheed ka dhacay gobolka Kashmir qaybta ay India maamusho, kaas oo ay ku dhinteen 31 qof, halka todoba kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha bileyska ee gobolkaasi.

Baskan ayaa ka dhacay wado marta buurta Himalayan, waxaana lagu qiyaasay in baskani uu hoos uga dhacay buurta ilaa 150-meter oo hoos ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan bileyska oo la yidhaa M.K Sinha ayaa sheegay in basku uu ruxmay kadibna uu jarka buurka ka dhacay, sidaana ay waxyeeladu ku soo gaadhay dadkii rakaabka ahaa.

Waxaanu intaasi ku daray in basku uu lahaa 27 kursi balse dad intaa ka badan ay saarnaayeen oo la soo buuxdhaafiyey.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.