Kenya: Agaasimihii Shirkadda Safaricom Oo Xanuunka cancer-ka U Geeriyooday

London, (HCTV) – Agaasimihii Shirkadda Isgaadhsiinta ee dalka Kenya ee Safaricom Robert William Collymore (Bob) ayaa cudurka cancer-ka u geeriyooda ka dib laba sanadood uu dagaal adag uu kula jiray cudurkaasi.

Mr Collymore ayaa ahaa 61 jir waxaanu bishii May uu sheegay inuu sii joogayo hogaaminta shirkadda isgaadhsiinta Safaricom, inkasta oo uu sheeay inuu iscasili doono bisha August hadii uu gaadho.

Waxaana uu dib u dhac ku yimid in dawlada dalka Kenya oo leh saamiga shirkadda 35% boqolkiiba ay soo magacawdo cidii badali lahayd.

Collymore ayaa u socdaalay dalka Britain bishii October 2017-kii waxaanu helay dawaynta Acute Myeloid Leukemia, isagoo ilaa wakhtigaasi u joogay dawayn xaaladaasi, sida ay sheegtay shirkadu.

Shirkadda Safaricom, ayaa 35% ay leedahay shirkada Vodacom ee dalka Koonfurta Afrika, taas oo ah shirkadda ugu weyn dhinaca isgaadhsiinta, waxaanay maamushaa boqolkiiba 62% suuqa telefoonada mobile-ka ee dalka Kenya. Sidoo kale Vodafone ee dalka Britain ayaa shirkada Safaricom ku leh saamiga 5%, halka dawlada dalka kenyana ay leedahay 35%.

Agaasime Bob Collymore ayaa gacan ka geystay in Safaricom ay noqot shirkada ugu macaashka badan bariga Afrika, waxaanu gaadhsiiyey heer ah inay gaadho in lacagaha la isku dhex mariyo dhinaca telefoonka taas oo kordhisay macaamiisheeda.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.