Shaqaale Ajaaniib Ah Oo Dhaawacyo Loogu Gaystay Berbera

Berbera, (HCTV) – Ugu yaraan 5 ka mid ah shaqaale Ajaaniib ah oo magaalada Berbera ee caasimada Gobolka Saaxil u jooga inay ka shaqaystaan ayaa dhaawacyo loo gaystay, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen shaqaale muruq maal ah oo Somaliland ka soo jeeda.

Dhaawacyada Shaqaalahan Ajaaniibta ah ka soo gaadhay weerarkaasi ay ku soo qaadeen shaqaalaha muruq maalka ah ayaa la gaadhsiiyey cusbitaalka Berbera si looga daweeyo dhaawacyada soo gaadhay.

Shaqaalaha muruqmaalka ah ee muwaadiniinta  ah ayaa mudaba ka cabanayey shaqaalaha ajaaniibta ah ee shaqadii ay qaban jireen ay kala wareegeen, taas oo keentay in falkan ay ku kacaan.

Ilaa iyo hadda lama oga dalalka ay ka soo jeedaan shaqaalahan ajaaniibta ah, sidoo kalena ma jirto cid ka tirsan xukuumada Somaliland iyo masuuliyiinta gobolka Saaxil oo ka hadlay talaabadan ay ku dhaqaaqeen qaar ka mid ah shaqaalaha muruq maalka ah ee ka shaqeeya magaalada Berbera.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.