Warbixin: Isbadalka Cimilada Oo 120 million Ku Keeni Doonta Saboolnimo

New York, (HCTV) – Warbixin ay daabacday Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad tiradooda lagu qiyaasay inay ka badan yihiin 120 million oo qof ay ku dhixi doonaan saboolnimo tobanka sano ee soo socda oo ay sababi doonto isbadalka cimilada aduunka.

Cimilo adag oo ay ka mid tahay abaaro, daadad iyo duufaano noqday kuwo soo noqnoqday, ayaa dadka saboolka ah ee aduunka ku keeni doona inay macaluulaan iyo inay ka haajiraan meelaha ay degan yihiin,” ayaa lagu sheegay warbixinta ay soo saartay qaramada midoobay.

“Waxa aanu khatar ugu jirnaa dhibaatada cimilada, taas oo dadkii ladnaa xataa ku keentay inay ka fakadaan kulayl xadhaaf ah, gaajo iyo dagaalo inta kale ee aduunku ay wajahayaan,” sidaasi waxa yidhi Philip Alston, suxufi ka tirsan Qaramada Midoobay oo ka warama xuquuda aadamaha iyo saboolnimada daran.

Waxaanu Alston sheegay in farqiga u dhexeeya sida isbadalka cimiladu ay u saamayso dadka saboolka ah iyo kuwa ladan ay cadahay.

Isagoo tusaale usoo qaatay warbixinta Duufaanta Sandy oo 2012-kii ku dhufatay magaalada New York.

Taas oo kumanaan qof oo dakhligoodu khooseeyey ay maalmo ku sugnaayeen laydh la’aan iyo daryeel caafimaad la’aan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.