Ingiriiska Oo Mastaafuriyay Gabadh 12 Sanadood Dalkaasi Ku Noolayd

London, (HCTV) – UK ayaa dalkeeda ka mastaafuriyay gabadh 23- jir ah oo doonaysay in jaamacadaha dalkaasi Ingiriiska ay ka sii barato cilmiga la xidhiidha xidigiska oo ay fursad waxbarasho ka heshay jaamacadaha dalkaasi.

Inkastoo Gabadhani ay kala badh nolosheeda ay ku noolayd dalka UK, ayaa hadana dalkaasi uu u tarxiilay dhinaca dalka Pakistan oo ay dhalasho ahaan ka soo jeeday, halkaas oo ay sheegtay in aabaheed uu ka dalbaday inay guursato Inaadeerkeed oo ka way da’ ahaan.

Gabadhan Sairah Javed oo si gaar ah ula hadashay wargeyska The Independent, ayaa cadaysay inay walaac ka qabto amaankeeda, iyo in waalidkeed ay guur ku khasbayaan kadib markii bishii February loo diiday magan galyo ay dalka UK ka dalbatay.

Waxaanay saraakiisha dawladdu ay sheegeen in khatartaasi ay sheegtay inay la kulmayso aanay u hayn cadaymo ku filan, sidaana lagu diiday codsi ay ku dalbatay inay dalkaasi ku sii joogto.

Gabadhan 23 jir ah ayaa dalka UK soo gashay sanadkii 2007-dii iyadoo 11 jir ah, halkaas oo ay nafteeda ku qancisay inay British tahay, maadaama oo ay la qabsatay dhaqanka halkaasi.

Inkastoo aanay si balaadhan u xasuusan nolosheedii hore ee dalka Pakistan hadana waxa ay sheegtay in marka lagu celiyo dalkeedii ay la kulmayso tacadiyo farabadan iyo guur lagu khasbayo hadii ay diidana loo dilayo si loo ilaaliyo sharafta qoyska.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.