Sri Lanka Oo Xidhay Taliyihii Bileyska Iyo Tobanaan Sarkaal

Colombo, (HCTV) – Dawladda dalka Sri Lanka ayaa xidhay madaxii ciidamada bileyska iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada amaanka dalkaasi, kuwaas oo lagu eedeeyey inay ku fashilmeen inay ka hortagaan weerarkii 250-ka qof ay ku dhinteen, sida uu sheegay afhayeen bileyska u hadlay.

Weeraradii bambaano ee dalkaasi ka dhacay bishii April 21-keedii oo ay sheegteen kooxda la baxday dawladda Islaamka ayaa dawlada iyo dadka dalkaasi quluubtooda ka go’i la’ baaxda ay qaraxyadaasi lahaayeen iyo tirada dadka badan ee kaga dhintay.

Sidoo kale dadka la xidhay ayaa waxa ka mid ah Madixii guud ee baadhista dalkaasi Pujith Jayasundara iyo xoghayihii hore ee difaaca Hemasiri Fernando maanta oo salaasa ah, maalin ka hor markii Xeer-ilaaliyaha guud ee dalkaasi Dappula de Livera uu yidhi waa in la xidha oo lagu soo oogaa sidii ay ugu fashilmeen inay ka  hortagaan dambiyadii ka dhanka ahaa bani’aadanimada ee lagu qaaday Kiniisadaha iyo hoteelada waaweyn.

Sagaal sarkaal oo kale oo bileyska ka tirsan ayuu magacaabay xeer-ilaaliyaha guud inay tahay in talaabo laga qaado oo dacwado lagu soo oogo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.