Madaxweynaha Somalia Oo Abaalmarin Siiyey Guddida Qaban Qaabada Maalinta Xoriyada

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqalka Madaxtooyada abaalmarinno ku guddoonsiiyay Guddida Qabanqaabada Maalinta Xorriyadda ee Somalia, kaas oo uga mahadceliyay shaqada hufan ee ay qabteen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddida ku bogaadiyay abaabulkii xoogganaa ee ay sameeyeen isaga oo ku ammaanay dedaalka ay muujiyeen iyo sida ay masuuliyadda isaga saareen qabanqaabada iyo maamuuska Maalinta Xorriyadda Qaranka Somalia.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalinta xorriyaddu ay yihiin astaan qaran oo mudan in la weyneeyo si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddida ku boorriyay inay dejiyaan qorshaha xuska maalinta xorriyadda ee sannadka soo socda maadaama oo ay ku beegan tahay 60-guurada markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumaystaha Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalinta Xorriyadda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay dal iyo dibadba uga qayb qaateen xuska Maalinta Xorriyadda dalka Somalia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.