USA: 45000 Kun Oo Foostooyin Khamri Ka Buuxay Oo Gubtay

USA (HCTV) – Dab-damiyeyaasha ayaa la dagaalamaya Arbacada Maanta dab qabsaday Bakhaarro lagu kaydiyo Khamriga loo yaqaanno Jim Beam, iyagoo doonaya inay bedbaadiyaan 45,000 Kun oo Foosto oo dareerahaasi ka buuxo.

Drew Chandler oo ah Agaasimaha Gurmadka deg-degga ah ee Waaxda Woodford ayaa Warbaahinta Maxaliga ah u sheegay in laba Bakhaar uu habeenkii Salaasadii dab qabsaday, balse lagu guulaystay in labada bakhaar midkood la bakhtiiyo, halka ay kii labaadna weli ku mashquulsan yihiin.

Wargeyska Bloomberg oo HCTV soo xiganayo ayaa sheegaya in Dabkaasi uu sababay khasaare Malaayiin dollar ah, laakiin Shirkaddu ma caddaynin in wax khasaare ahi soo gaadhay, inkasta oo Warbaahintu baahisay mid ka mid ah bakhaarrada dabku qabsaday oo baaba’ay.

Afhayeen u hadlay Qoyska leh Shirkadda Jim Beam ayaa sheegay in dabkani aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin sidii Dadka isticmaalaa u heli jireen.

Shirkaddan waxa u shaqeeya 126 Bakhaar oo ku yaalla Kentucky, kuwaasi oo celcelis ahaan ay yaallaan 3.3 Million Barmiil, taasi oo ka dhigan in Shirkaddaasi ay wax soo-saarka Gobolkaa ka tahay 1.4%.

Weriyeyaashu waxay sheegayaan in Shirkaddu ay halka Barmiil ay ka samayso inta u dhaxaysa 150 iyo 210 Litir, iyadoo Litirkiina ku iibisa qiime u dhexeeya $15 iyo $35 dollars.

Weriyeyaashu waxay sheegayaan in Shirkaddu ay halka Barmiil ay ka samayso inta u dhaxaysa 150 iyo 210 Litir, iyadoo Litirkiina ku iibisa qiime u dhexeeya $15 iyo $35 dollars, sidaasi darteed bay Weriyeyaashu leeyihiin khasaaraha soo gaadhay shirkaddaasi wuxuu noqon karaa 300 Million dollar.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka