Amnesty Oo War Ka Soo Saartay Xayiraaddii Horyaal Iyo Eryal Tv

Hargeysa (HCTV) – Saddexdii bilood ee tagay Masuuliyiinta Somaliland waxay kor u qaadeen Weerarkooda ay ku diiddan yihiin Codadka (lidka ku ah), waxayna xidhayeen Warbaahinta, waxaana soo noqnoqday xadhigga, sida ay sheegtay Hay’adda xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International.

Intii u dhaxaysay 17 April illaa 9 May ee sannadkan, Somaliland waxa lagu xidhay Suxufi, Hoggaamiyaha dhallinyarada Xisbi Mucaaradka, Shaqaale Dawladeed, kuwaasi oo dhammaantood Facebook qoraallo ku baahiyey iyo Xubin ka mid ah Baarlamaanka oo su’aal geliyey ahmiyadda ay leedahay xuska 18-ka May iyo inay tahay Maalin Qaran.

Amnesty International oo Maanta War Qoraal ah soo saartay ayaa sheegay in Xubnahaa la xidhay midkood u sheegay in dhaawacyo soo gaadheen markii la xidhayey.

Amnesty International waxay sheegtay in korodhka dhibaataynta iyo Hadidaada Dawladdu ku hayso Cidda naqdida ay Markhaati u tahay dul-qaad la’aan Xukuumadda hadda talada Somaliland haysa iyo tixgelin la’aanta Xuquuqda aadamaha.

Agaasimaha Amnesty International ee Bariga Afrika, Geeska Afrika iyo Harooyinka waaweyn Joan Nyanyuki ayaa sheegtay 18-kii bishii june waxay xidheen Telefiishannada Horyaal 24 Tv iyo Eryal TV, waxaana lagu eedeeyay ‘Baahinta Warar khatar ku ah Amniga Qaranka.’ inkasta oo aan wax Caddayn la raacin eedayntaasi.

Xayiraaddii Labadaa Telefiishan waxa la laalay 30-kii June, ka dib Isfahan ay wada gaadheen Wasaaradda Warfaafinta iyo Mulkiileyaasha labada Telefiishan, laakiin “korodhka dhibaataynta iyo Hadidaada Dawladdu ku hayso Cidda naqdida ay Markhaati u tahay dul-qaad la’aan Xukuumadda hadda talada Somaliland haysa iyo tixgelin la’aanta Xuquuqda aadamaha…” ayay tidhi, Agaasimaha Amnesty International ee Bariga Afrika, Geeska Afrika iyo Harooyinka waaweyn Joan Nyanyuki

9 May waxa la xidhay Maxamed Axmed Dhakool oo Baarlamaanka ka soo galay Gobolka Sool, ka dib markii lagu eedeeyay inuu ka hor-yimid xuska 180-ka May inay tahay Maalin Qaran, waxayna Boolisku ku eedeeyay inuu jeediyey Hadallo ka soo horjeeda Qaranimada, kana hor-yimid Jiritaanka Somaliland, hase-yeeshee Maxkamaduhu way diideen inay Dacwaddiisa qaadaan, sababo la xidhiidha Xasaanaddiisa Xildhibaannimo. 39 Maalmood oo uu xidhnaa ka dib, waxa la sii daayey 17 June.

Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo Maxamed Sidiiq dhamme, hadda waxay ku xidhan yihiin Xabsiga dhexe ee Hargeysa “Maamuleyaasha Somaliland waa inay si dhakhso ah oo shuruud la’aan ah ugu sii daayaan Raggan loo xidhay inay Cabbireen Aragtidooda..”ayay soo jeedisay Amnesty International, waxayna intaa raacisay in Xeer ilaaliyaha Gobolka Maroodi-jeex oo ay kala hadleen Xadhigga Muwaadiniintan uu u sheegay in Tallaabooyinka ay qaadayso Dawladdu ay ku ilaalinayso Amniga Qaranka

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka