Erdogan Oo ‘Dhac’ Ku Sheegay Diyaarado Dalkiisu Maraykanka Ka Iibsaday Oo Aan Weli Lagu soo Wareejin

Istanbul (HCTV) – Diidmada Maraykanka ee ah inaanu Turkiga ku wareejinayn Diyaaradaha dagaalka ee F-35 oo uu ka iibsaday ayaa Madaxweynaha Turkigu ku tilmaamay inay la mid tahay Dhac, sida ay baahiyeen Warbaahin soo xiganaya Madaxweyne Erdogan.

Maraykanka ayaa Turkiga u diiday diyaaradaha F-35 oo uu ka iibsaday, isagoo ka cadhaysan Turkiga oo Ruushka ka iibsaday Gantaalaha difaaca ee loo yaqaano S-400.

“Haddii aad tahay Macmiil, Macmiilkaasina wuxuu bixiyaa Lacag, Markaa sidee baanad Macaamiisha Alaabtooda u siinayn?  Magac tani sow dhac maaha..” sidaa waxa qoray Wargeyska Hurriyet oo soo xiganaya Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo booqanaya Shiinaha.

Sida Wargeysku qoray Ergogan wuxuu sheegay in Turkigu uu hore iibka diyaaradaha F-35 uga bixiyey lacag gaadhaysa $1.4 billion, laguna wareejiyey Afar diyaaradood Turkiga, doonayaana in Duuliyeyaasha Turkishka ah lagu soo tababbaro Maraykanka, laakiin heshiiska ay kula jireen Maraykanku ahaa inay ka iibsadaan 116 diyaaradaha F-35 “Waxaanu ku heshiinay inaanu ka iibsano 116 diyaaradaha Jet-ka, Annagu suuq ma nihin, laakiin qaybo ka mid ah diyaaradahaasna Turkiga ayaa lagu farsameeyaa..”

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Maraykanku weli qorshaynayo Cunaqabayn uu ku soo rogo Turkiga, xilli ay Erdogan iyo Trump toddobaadkii hore ku kulmeen Dalka Japan oo uu ka dhacay Shirka Sannad laha ah ee G20.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka