Ergeyga Midowga Afrika Iyo Danjiraha IGAD Oo Socdaal Ku Tagay Dhuusamareeb

HomeSomali News

Ergeyga Midowga Afrika Iyo Danjiraha IGAD Oo Socdaal Ku Tagay Dhuusamareeb

Soomaaliya Oo Shaacisay In Laba Milyan Oo Qof Ay Wajahayaan Cunno Yari Iyo Biyo La’aan
“Khamrigii Caanahana Kama Duwana Imika..” Booliiska Puntland
Diyaarada British Airways Oo Ay Aad Ugu Soo Dhawaatay Diyaarad Yar Oo Drone Ah
Ballan-qaadyada Madaxweynaha La Doortay Ee Maraykanka
Somaliland: Dawladda Oo Qaadday Tallaabo Lagaga Hor-tagayo Shilalka Gaadiidka

Dhuusamareeb, (HCTV) – Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo wakiilka urur-gobolleedka IGAD ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay wafdiga Midowga Afrika iyo IGAD magaalada Dhuusamareeb.

Xubnahan ayaa markiiba la kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayr oo muddo ku dhow labo toddobaad ku sugan gobolka bartamaha ku yaalla ee Galgaduud.
Kullanka faahfaahin badan lagama bixin wali, balse waxaa la sheegay in arrimaha looga hadlay ay ugu horreeyaan xaaladda Galmudug iyo doorashada deegaannada la qorsheynayo inay ka dhacdo.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dedaalo xal loogu raadinayo xaaladda Galmudug ka waday deegaannada dowlad-gobolleedka, waxaana ay hadda u muuqata dedaallada inay mira-dhal noqdeen oo dowlad-gobolleedka ay ka dhaceyso doorasho la wada ogolyahay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS