15 Qoys Oo Kenyan Ah Oo Diiday Magdhawga Shirkada Boeing

Nairobi, (HCTV) – Shan iyo Toban qoys oo Kenyan ah oo shilkii diyaaradii Ethiopian Airline ku waayey qaar ka mid ah qoysaskooda ayaa diiday inay qaataan $100 million ee shirkadda Boeing ay ku yaboohday inay Magdhaw ahaan u siinayso, oo ay joojiyaan dacwada ay dalka Maraykanka kaga fureen shirkaddaasi.

Shirkadda Boeing ayaa ku dhawaaqday khamiistii inay siinayso magdhow qoyaskii ay saamaysay ku yeelatay labadii shil ee ku dhucay diyaarada 737 Max ee Ethiopia iyo Indonesia.

Qareenada matalayey qoyasaskaasi oo uu korkacayo Stephen Gachie, ayaa sheegay inay sii wadayaan dacwadaasi oo farsamo ahaan hada gabogabo ah si ay u sugaan in qoyaskaasi ay helaan cadaalada ay raadinayaan.

“Kuwa aanu matalayno gabi ahaanba waydiideen inay qaataan go’aankaasi, fikirkuna waxa weeyi inuu xukun dhaco, taas oo ah markaa inay qaataan arintaasi magdhawga ah oo shirkadd duulimaadku ay siiso,” ayuu yidhi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.