Iran Oo Ku Hanjabtay Inay Qabsan Doonto Maraakiibta Shidaalka Ingiriiska

Tehran, (HCTV) – Dalka Iran ayaa cambaareeyey isla markaana sharci daro ku tilmaamay Marab shidaal siday oo boqortooyada Ingiriisku ay ku qabatay meesha la yidhaa Gibraltar, waxaanay ka dalbatay in sida ugu dhakhsaha badan ay ku sii dayso.

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaarada Arimaha dibada ee dalka Iran ayaa talaabadaasi UK ay qaaday ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, markii uu kulan la yeeshay Safiirka Britain oo ay u yeedheen si ay u maqashiiyaan siday uga soo horjeedaan, Wasaarada Arimaha dibada Iran ayaa sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay.

Kaas oo intaasi ku daray ‘waa in sida ugu dhakhsaha badan lagu sii daaya markabkaasi shidaalka sida, ee la ogyahay in lagu qabtay codsi ka yimid Maraykanka, sida ay sheegayaan wararka hada la hayo, ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka.

Mohsen Rezai, oo ah taliye sare oo ka tirsan ciidamamada ilaalada kacaanka Iran ayaa sidoo kale yidhi markii uu qoraal soo dhigay Twitterka, ‘hadii aan markabkaasi si dhakhso ah loo sii dayn, Tehran waxa ku waajib ah inay qaado talaabo taasi la mid ah oo ay qabato Maraakiibta shidaalka sida ee Ingiriiska.

Maalintii shalay ayay ahayd markii Ciidamada Badda British-ku ay istaajiyeen, isla markaana ay qabteen Markabka the Grace 1 vessel oo siday Saliid Iran kuna socday dalka Suuriya oo Midawga Yurub uu cunaqabatayn ku soo rogay dawlada Suuriya ee Bashaar al-Assad.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.