Golaha Ammaanka Dhinacyada Liibiya Ku Dagaalamaya Ugu Baaqay Xabad-joojin

Liibiya (HCTV) – Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa dhinacyada ku dagaalamaya Liibiya ugu baaqay Xabad joojin.

Baaqan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa ka dambeeyay markii diyaaradaha dagaalku duqeeyeen Xarun lagu hayey Dad Muhaajiriin ah oo ku taalla duleedka Magaalada Tripoli, duqayntaas oo sababtay dhimashada 40 Qof, dhaawac gaadhaya 90 Ruux oo Tahriibayaal ah.

Qoraal ay si wada-jir ah u soo saareen 15 xubnood ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa lagu muujiyey sida ay uga wer-wersan yihiin xaaladda Liibiya iyo sida ay muhiimka u tahay in dhinacyada dagaalamayaa Xabad-joojin sameeyaan

Sidoo kale, waxay sheegeen in Xaaladda Liibiya lagu Xallin karo Xal siyaasadeed.

Golaha Ammaanku wuxuu ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Liibiya oo kala ah Dawladda Adduunku aqoonsan yahay ee fadhigeedu Tripoli yahay iyo Kooxda ka soo horjeedda ee General Haftar hoggaamiyo, kuwaasi oo ay kala taageerayaan Dawladaha Imaaraadka, Masar iyo Faransiiska oo taageeraya dhinaca Haftar iyo Turkiga oo taageeraya dawladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka