Haweenay Haysata Diinta Islaamka Oo Loo Xukumay Inay Daacish Ku Biirtay

German (HCTV) – Haweenay Jarmal ah oo qaadatay Diinta Islaamka ayaa lagu xukumay 5 sanadood oo xadhig ah.

Haweenaydan oo 32 jir ah, Magaceedana lagu sheegay Sabine S, ayaa Suuriya ku noolayd illaa 2013-kii, ayaa lagu eedeeyay inay Hub lagu tababbaray ka heshay Daacish sanadihii u dhexeeyay 2014-2017-kii, waxayna guursatay Dagaalame ka mid ah Daacish, kaasi oo sannadkii 2016-kii ku dhintay Suuriya.

Haweenaydan oo Qaadatay Diinta Islaamka ayaa sannadkii 2017-kii waxa qabtay xoogagga Kurdishka, iyada iyo haween kale, waxaana Jarmalka dib loogu celiyey sannadkii 2018.

Warka xukunkeeda ayaa soo baxay, Maalin ka dib markii xubin kale oo Ciidammada Irish-ka ka mid ahaa 10 sannadood, balse Daacish ku biiray, Diinta Islaamkana qaadatay uu sheegay in Haweenayda Jarmalka ahi aanay cidna dhibaatayn haddii loo ogolaado inay dalkeeda ku noolaato.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka