Isbadaladii Abiy Ahmed Waxay Oodda Ka Qaadeen Xoogag Aanu Xakamayn Karin

Addis Ababa, (HCTV) — Taliye hore oo ka tirsanaa ciidamada Ethiopia oo lagu sheegay hawlgab Brig. Gen. Asaminew Tsige, kaas oo lagu dilay toogasho June 24-keedii, ayaa lagu tilmaamay askari aan caadi ahayn oo maamulkiisu liito. Asaminew waxa toogtay ciidamada dawlada laba maalmood ka dib markii lagu eedeeyey inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay dilka saddex masuul oo ugu sareeyey gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia, oo uu ku jiray Madaxweynihii Gobolkaasi, inkastoo markii dambe dusha loo saaray cambaaraynta isku day afgambi” sida uu sheegay Xafiiska Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia.

Asaminew waxa uu taariikh dheer ku lahaa xayndaabka Milatariga Ethiopia – iyo dhaqdhaqaaq jabhadeed. Waxaanu ahaa dagaalyahan jabhadeed oo u soo dagaalamay ururkii Dhaqdhaqaaqii Dimuqraadiyad Doonka dadka Ethiopia ee halganka la galay 1991-kii dawladii Derg-ga dalka Ethiopia.

Asaminew waxa uu sanadkii 2009 uu magaalada Dubai kula kulmay dhaqdhaqaaqii mucaaridkii la mamnuucay ee Ginbot 7, sida ay xaqiijiyeen xubno ka mid ahaa dhaqdhaqaaqaasi. Bishii April 24, 2009, hay’adda Sirdoonka iyo Amaanka dalka Ethiopia , iyo bileyska federalka ee shaqadoodu tahay la dagaalanka argagixisada ayaa xidhay 35 qof oo ay ku eedeeyeen shirqool afgambi oo ka dhan ahaa raysal Wasaarihii Ethiopia Meles Zenawi iyo dawladiisa; kuwaas oo dhamaantood xubno ka ahaa milatariga iyo bileyska. Asaminew ka mid ayuu ahaa, waxaana xabsiga loo taxaabay toban sanadood.

Bishii February ee u dambaysay ayaa Asaminew laga soo saaray xabsiga, isagoo la sheegay in lagu sameeyey jidhdil, ayaa waxa uu ka mid ahaa tobanaan kun oo maxaabiis ah oo la soo daayey oo la socday qorshihii qodobka 12- ee dib u bahayn ee xisbiga talada haya December 2017.

Markii Abiy Ahmed, uu noqday hogaamiyaha cusub bishii April 2018, Asaminew waxa lagu abaalmariyey dhamaan xuquuqaha hawlgabka — isagoo loo magacaabay sanadkii xigayna hogaanka amaanka ee maamulka Amxaarada.

Dedaaladii lagu sii daayey ee lagu qarameeyey jabhadii mar isku dayey inuu dawlada federaalka uu talada ka tuuro waxa u baaqay dedaaladii isbadalka.

Balse heerkii ay gaadhay June 22 markii uu muujiyey inuu wax dilo, Siyaasadaasi  Isbadalada Abiy Ahmed Waxay Oodda Ka Qaadeen Xoogag Aanu Xakamayn Karin.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.