Israel Oo Qaza Ku Soo Celisay Doon Kalluumaysi

Qaza, (HCTV) – Abdul-Muti al-Habil, oo Kalluumayste reer Qaza ah ayaa helay telefoon degdeg ahi uu uga  yimid dawlada Falastiiniyiinta todobaadkii la soo dhaafay, kaas oo lagu wargalinayey in doontiisii ay Israel la tagtay saddex sanadood ka hor – in loo soo celiyey oo la keentay koonfurta Qaza.

Sarkaal ka tirsan maamulka Falastiiniyiinta ayaa u sheegay  al-Habil in dib u soo celinta doontan dhererkeedu yahay 17-metre, oo ah ta ugu dheer doomaha kalluumaysiga Qaza, ay hoosta ka xariiqday talaabadii ugu horaysay ee ay qaaday Israel ee ay ku soo celisay, gaar ahaanta tan iyo xiligii ay dhulkaasi yimaadeen.

Balse sheekada murugada ku leh Mr Al-Habil kamay bilaabmin oo kaliya doonta lagala tagay, cabsida uu qabayna ma soo afjarayso soo celinta doontaasi.

Waxa uu sheegay in laba jeer doontaasi la quusiyey sanad kaliya oo ay dajiyeen ciidamada badda ee Israel ka hor intii aanay kaxaysan ee lagu wargaliyey sanadkii 2016-kii

“Bishii January 26-keedii 2015-kii, caruurtayda ayaa si aan joogsi lahayn uga kalluumaysanayey koobaha kalluunka, gaar ahaana waqooyiga Qaza, halkaas oo toogasho ay ugu gaysteen ciidamada Israel oo gaafwareegayey halkaasi,” ayuu al-Habil u sheegay Telefishanka Al Jazeera.

“Doonta waxa la soo gaadhsiiyey waxyeelo weyn, Ciidamada Badda Israelna waxay Afduubeen afar ka mid ah Kalluumaysatadayadii.” Ayuu intaasi ku daray.

Inkastoo Kalluumaysatadii la sii daayey wax yar ka dib markii la afduubay.

Hase yeeshee ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababta ay Israel dib ugu soo celisay doontan saddex sano ka hor ay ka kaxaysatay ninkii iska lahaa.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.