Kuwii Ka Badbaaday Weerarkii Dhimashada Badnaa Ee Liibiya Oo Dalbaday In Laga Daadgureeyo

Tripoli, (HCTV) – Kuwii ka badbaaday weerarkii dhimashada badnaa ee dhinaca cirka ee lagu bartilmaameedsaday xaruntii dadka Tahriibayaa lagu hayey ee dalka Libya, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 60 qof ayaa muujiyey dareenkooda ay ku dalbanayaan in laga daadgureeyo dalka Libya.

Tan iyo intii weerarku uu dhacay Salaasadii, ayaa boqolaal Tahriibayaal ah oo ka yimid Sudan, Ethiopia, Eritrea, Somalia iyo wadamo kale ay seexanayeen banaanka xarunta dadka lagu hayo Tajoura, oo ku taala bariga magaalada Tripoli, kuwaas oo ka cabsi qaba in weerar kale ku dhaco hadii ay xarunta ku noqdaan.

Dawlada fadhigeedu yahay Tripoli ee beesha caalamku aqoonsan tahay ayaa ku eedaysay Generaalka Awooda badan ee Khalifa Haftar inuu ka dambeeyey weerarkaasi, inkastoo afhayeen u hadlay ciidamadiisu uu beeniyey masuuliyada weerarkaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.