Madaxweynaha Gini Oo Qadiyadda Somaliland Hor-geynaya Midowga Afrika

Hargeysa (HCTV) – Waxa Magaalada Hargeysa lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayey oo ka soo laabtay Dalka Gini oo uu booqasho ku tagay toddobaadkii hore.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu sheegay in Dalka Gini ee ay booqashada ku tageen si wanaagsan loogu soo dhaweeyay isla-markaana Madaxweynaha dalkaasi uu ballan-qaaday inuu Qadiyadda Somaliland uu hor-geeyo Ururka Midowga Afrika.

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyey boqollaal Dadweynaha Caasimadda ah oo ku soo dhaweeyay Barxadda hore ee Madaarka Cigaal ee Hargeysa, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Dawladdii aanu u tagnay si weyn ayay noo soo dhaweysay, waxayna guddoonsatay inay qadiyaddeena keento Midowga Afrika..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka