Qarax Dilay 12 Qof Iyo Dhaawaca 179 Qof Oo Carruuri Ku Jirto

Afganistan (HCTV) – Kooxda Daalibaan ayaa sheegatay Masuuliyadda Qarax loo adeegsaday gaadhi Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey ku qarxay Magaalada bariga Afghanistan ku taalla Ghazni.

Qaraxan ayaa waxa ku dhintay 12 Qof sida uu ku warramay Wargeyska The National oo Telefiishanka HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Qaraxan khasaaruhu ka dhashay ayaa ku soo beegmaya xilli Dalka Qadar ay ka socdaan Wada-hadallada u dhexeeya Kooxda Daalibaan, Maraykanka iyo Wakiillo Matalaya Dawladda Afganistaan.

Weerarkan ayaa lagu ekeeyay Unug ka mid ah Sirdoonka Dawladda Afganistan.

Wahidullah Mayar oo ah Afhayeen u hadlay Wasiirka Caafimaadka Afganistaan ayaa sheegay in Dadka Qaraxaa ku Geeriyooday tiradoodu tahay 12 Qof “179 Qof oo u badan Shacab ay Carruuri ku jirto ayaa ku dhaawacmay..”Ayuu hadalkiisa raaciyey Afhayeenku.

Wada-hadallada u socda Maraykanka iyo Ururka Daaliban ayaa ah Wareeggii 7-aad, waxaana qodobbada ugu ad-adag ee Daalibaan wataan ka mid ah in Maraykanku uu Ciidammadiisa kala baxo Afganistaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka