IGAD Oo Soo dhaweysay In La Mideeyo Ciidammada Ahlu-suna Wal-jamaaca Iyo Millateriga Soomaaliya

Muqdisho (HCTV) – Urur-gobolleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay midaynta Ciidammada Ahlu-suna Wal-jamaaca (ASWJ) oo lagu darayo Ciidammada xoogga Dalka Soomaaliya.

Xoghayaha fulinta ee Urur-gobolleedka IGAD, Maxbuub Macalin ayaa sheegay in Ururka IGAD Soo dhaweynayo inay la isku darro isla-markaana tababbarrada wada qaataan Ciidammada Kooxda Islaamiyiinta ee Ahlu-suna Wal-jamaaca iyo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya oo la mideeyo iyo sidoo kale Wada-hadallada Siyaasadeed ee socda iyo Dib u heshiisiinta dhinacyada Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Gal-mudug.

“Daah-furka Tababbarrada Is-dhexgalka ahi waxay Calaamad u yihiin guul muhiim ah oo la xidhiidha hirgelinta  qorshaha nabadgalyada Soomaaliya..” ayuu yidhi, Maxbuub Macalin, waxaanu intaa ku daray inay tani horseed u noqon karto in Soomaaliya ay awood u yeelato Maamulka amnigeeda.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Dhuusa-mareeb ka bilowday Tababbar la siinayo Ciidammada Ahlu-suna Wal-jamaaca (ASWJ) oo la doonayo in lagu daro kuwa xoogga Dalka Soomaaliya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka