Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex Oo Xukun Ku Riday Suxufi Cabdimaalik

Hargeysa, (HCTV) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo maalmihii u dambeeyay ay ka socotay dhagaysiga Dacwada Suxufi C/maalik Muuse Coldoon ayaa maanta ku dhawaaqday xukun xadhig oo lagu riday Suxufigaasi.

Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo loo haystay eedo ku saabsan dugsiga Abaaro iyo Eedo ka dhan ah xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu xukumay 3 sano iyo 6 bilood oo xabsi.

Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maalmihii u dambeeyey ku xidhnaa Magaalada Hargeysa, isagoo dhawr jeer Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex la hor keenay.

Maaha markii ugu horaysay ee Suxufigan dhinaca samafalka caanka ku ah la xidho ama la xukumoba, waxay ahayd badhtamihii bishii February markii lagu xidhay Hargaysa, wax yar uun ka dib markii uu ka soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Hase yeeshee hay’adda Xuquuqal Insaanka Somaliland iyo kuwa caalamka ayaa cambaareeyey xadhiga suxufigan kuwaas oo ku tilmaamay xadhigiisa xadgudubyo ka dhan ah xoriyatal qawlka iyo madaxbanaanida suxufiga.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.