“Waxa La Ii Siidaystay In Boorama La Igu Dilo..” Abwaan Abees

Hargeysa (HCTV) – Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo sannadkan horraantiisii loo xidhay Dacwad ay dhibbane ka ahaayeen Ciidammada Booliska Somaliland oo uu ku eedeeyay inay Muwaadiniinta Saldhigyada ku jira ku tacadiyaan, ayaa sheegay in xilligaa loo siidaayey in la dilo.

Abwaanka oo Maanta Saxaafadda la hadlay isla-markaana Cambaareeyay Xukun Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku ridday Suxufi Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa su’aal laga waydiiyey sababta uu u malaynayo in isagana xilligii la xidhay la iskaga soodaayey, Suxufi Coldoon-na uu xukunka ugu dhacay ayaa sheegay in isaga loo siidaayey ujeeddo kale oo ahayd in la doonayey in la dilo.

Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa isagoo su’aashaa ka jawaabaya wuxuu yidhi “Haddaad leedihiin Cabdiraxmaan Abees-na waalla siidaayey, Coldoona waalla xukumay, Aniga waalla i siidaystay ee la ima siidaynin, waxa la ii siidaystay in Boorama la igu dilo oo ujeeddo gaar ah oo Siyaasi ah laga sameeyo..”

Abwaankan ayaa Maalintii Xabsiga laga siidaayey ka dib, waxa lagu dhex arkay Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ku qabsaday Magaalada Boorama, taasi oo Dad badan ka yaabisay, maaddaama oo Xadhiggiisa lagu eedeynayey Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo xilligaa joogay shirka Golaha dhexe ee Kulmiye.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka