Cali Maxamed Geedi Oo Kenya Iyo Somalia Ugu Baaqay Inay Meesha Ka Saaraan Muranka Badda

Johannesburg, (HCTV) – Raysal Wasaarihii hore ee Somalia, Dr Cali Maxamed Geedi ayaa ugu baaqay labada dal ee Somalia iyo Kenya inay xal ka gaadhaan khilaafka dhinaca badda ee ka dhexeeya.

Cali Maxamed Geedi, Raysal Wasaarihii hore ee Somalia waxa uu sidaasi u sheegay mar uu u waramayey Warbaahinta Anadolu Agency, kaas oo soo jeediyey in labada dal ay hoos u dhigaan muranka diblomaasiyadeed ee ku saabsan khilaafka xadka badda Indian Ocean-ka.

“Waxa jira taariikh ka dhaxaysa labada dal. Markii dawladdii Somalia ay burburtay 1991-kii, Kenya waxay marti-galisay qaxoonti ka badan 500,000, sidaa darteed Kenya ma noqon karto cadowga Somalia, Somalia-na ma noqon karto cadowga Kenya,” Ayuu yidhi Raysal Wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi oo magaalada Johannesburg ugu waramay Wakaalada Wararka ee Anadolu.

Xidhiidhka labada dal ayaan caadi ahaynn tan iyo intii dawladda Kenya ay ku eedaysay Somalia inay hawlo ka wado ceelal shidaal oo ku yaala goobta ay ku muransan yihiin ee badda Indian Ocean-ka.

Waxaanay labada dalba ay sheegtaan lahaanshaha 100,000-square-kilometer oo saddex geesood biyaba badda ah, halkaas oo laga helay shidaal iyo saliid farabadan.

“Khilaafka wakhti xaadirkani waxa uu yahay isfahamdaro siyaasadeed. Labada dal waa inay raadiyaan habab ay khilaafkaasi meesha ugaga saari karaan,” ayuu yidhi Cali Maxamed Geedi, waxaanu intaasi ku daray “Hadii aynu wadaagno dano badan oo uu jiro hal khilaaf, waxa jira hanaan caadi ah oo odhanaya waa in meel la iska dhigaa khilaafkaasi kaliya oo loo hogaansamaa danaha kale ee ka dhexeeya labada dal,” ayuu yidhi Mr Geedi.

Cali Maxamed Geedi ayaa Raysal Wasaare ka soo noqday dawlada Federalka ee Somalia intii u dhaxaysay 2004-2007, waxaanu ka codsaday hogaamiyeyaasha Kenya iyo Somalia inay meel iska dhigaan khilaafka oo ay diirada saaraan danaha farabadan ee ay wadaagaan dadka labada dal.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.