Jarmalka Oo Diiday Codsi Uga Yimid Dawladda Maraykanka

Suuriya (HCTV) – Dawladda Jarmalka ayaa diidday Codsi uga yimid Dawladda Maraykanka, kaasi oo ahaa in Jarmalku Ciidamo kuwa dhulka ah u soo diro Dalka Suuriya, si ay beddelaan Ciidammada Maraykanka oo qayb ka mid ahi halkaa ka baxayaan, ugana taageeraan Dagaalka Daacish.

Codsigan waxa Dawladda Jarmalka u gudbiyey Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Suuriya James Jeffrey, laakiin Dawladda Jarmalku way diidday Codsiga Washington ee ah inay Ciidamo kuwa dhulka u dirto Suuriya.

Steffen Seibert oo ah Afhayeen u hadlay Dawladda Jarmalka ayaa sheegay in Dawladdiisu ay hore in badan uga qayb-qaadatay arrimaha Dalka Suuriya iyo  la dagaalanka Daacish, sidaasi darteed ay Dawladda Jarmalka hadda wax iska waydiinayso Xulafada cusub ee Maraykanku uu arrintaa u doonayo.

Ergayga gaarka ah ee Maraykanku wuxuu si gaar ah uga codsaday Jarmalka inay Suuriya u soo diraan Tababbarayaashooda Millateriga iyo farsamo-yaqaannadooda, si ay u caawiyaan jabhadda Kurdiyiinta (SDF).

Laakiin, Jarmalku wuxuu sheegay kaga qayb-qaatay Dagaalka ka dhanka ah Daacish Diyaaradaha dagaalka, gaar ahaan qaybta Ciraaq iyo Tababbarrada Ciidammada Ciraaq.

Joogitaanka Ciidammada Jarmalka ee Ciraaq ayaa ku eg 31-bisha October ee sannadkan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka