Sawirro: Xuutiyiinta Oo Soo Bandhigay Gantaallo Cusub Iyo Diyaaradaha Wax Basaasa

Yemen (HCTV) – Kooxda Dagaallada ka wada dalka Yemen ee Xuutiyiinta ayaa soo bandhigay Gantaallo Cusub iyo Diyaaradaha Wax basaasa ee loo yaqaanno Drons-ka.

Ciidammada Xuutiyiinta ayaa Magaalada Sanca ku soo bandhigay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo Gantaallo cusub, sida uu ku warramay Telefiishanka AMN News oo Horn Cable Tv soo xigtay.

Gantaallada cusub ee ay soo bandhigeen waxa ka mid ah mid ay ugu Magac-dareen ‘Quds’ iyo Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay u bixiyeen new Sammad-1 and Sammad-3, kuwaasi oo ah Diyaaradaha lagu basaaso.

Hubkan ayaa la rejaynayaa inay kooxda Xuutiyiinta ka caawiso inay iskaga difaacaan Duqaymaha ay Diyaaradaha Xulafada Sucuudigu Hoggaamiyaa ka wadaan Dalka Yemen, sida uu ku warramay Telefiishanka AMN News.

Waxa Xusid mudan in gantaalaha qaarkood ay ku qoran tahay ‘Made in Yemen’ oo Macnaheedu yahay ‘Waxa lagu farsameeyay Yemen’

Xuutiyiinta ayaa hore u bilaabay Weerarro xidhiidh ah oo ay u adeegsaeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxayna Weerarradii ugu badnaa la beegsadeen Laba garoon diyaaradeed oo Sucuudiga ku yaalla, waxaana weerarradaa ku dhintay hal Qof oo Suuriya u dhashay, waxaana ku dhaawacay tobannaan Muwaadiniinta Sucuudiga ah, kuwaasi oo ay ku jiraan Carruur.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka