16 Qof Oo Haween Iyo Caruur Isugu Jira Oo Lagu Laayey Papua New Guinea

Karida, (HCTV) – Ugu yaraan 16 qof oo isugu jira haween iyo caruur ayaa lagu dilay xasuuq ka dhacay gobolka Hela ee dalka Papua New Guinea, waxaanu dilkani noqonayaa kii ugu darnaa ee dagaalada ku salaysan qabiilada ee dalkaasi ka dhacay sanadadii u dambeeyey.

Dilka dadkan ayaa dhacay maalintii Isniintii markii weerar lagu qaaday deegaanka Karida oo 800 qof ay ku nool yihiin.

Philip Pimua, oo ah sarkaal ka tirsan xarun caafimaad oo ku taala Karida oo ku sugnaa tuuladaasi markii weerarku uu ka dhacayey ayaa u sheegay wargeyska the Guardian in halkaasi lagu laayey 16 qof oo 8 ka mid ahi ay yihiin caruur da’doodu ay u dhaxayso hal sano jir ilaa 15 jir, iyo 8 haween ah oo laba ka mid ahi ay uur lahaayeen.

Weerarkan ayaa dhacay 6am subaxnimo ee maalintii isniintii, halkaas oo dadka la laayey markii ay soo tooseen ee guryaha albaabada ay u fureen.

“Markii aanu soo toosnay subaxnimadi ee aan tagay madbakha si aan dab u shido, ayaa judhiiba waxa aan maqlay dhawaqa rasaasta, waxaanan arkay guryo gubanayam, sidaa darteed waxaan garawsaday in cadow uu soo galay tuulada.” Sidaasi waxa tidhi haweenay ku sugnayd tuuladaasi markii uu weerarku ka dhacayey.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.