Faransiiska Oo Dedaal Ugu Jira Sidii Loo Dhawri Lahaa Heshiiskii Nuclear-ka Iran

Tehran, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa diblomaasi sare oo la taliye u ah u diray dalka Iran si uu wadahadalo ula yeesho dalka Iran si hoos loogu dhigo dhibaatada ka taagan heshiiskii Nuclearka ee reer Yurub ay la galeen dalka Iran, waxaanay dawlada Iran ay amaantay dedaalka Faransiisku ugu jiro ilaalinta heshiiski 2015-kii.

Emmanuel Bonne ayaa kulan la yeeshay Admiral Ali Shamkhani, oo ah xoghayaha golaha Sare ee amaanka Iran maanta oo Arbaca ah.

Booqashadan diblomaasiga la taliyaha u ah Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa ku soo beegmaya laba maalmood ka dib markii dawlada Tehran ay ku dhawaaqay 3.67 boqolkiiba ay bacarimin ku samaysay macdanta uranium-ta.

Xafiiska Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in Bonne uu u joogo dalka Iran sidii si nabad hoos loogu dhigi lahaa xaalada kacsan, kadib markii dawlada Iran ay Isniintii ku hanjabtay inay dib u bilaabayso marnaamijikeeda Nuclearka ee bacariminta macdanta uranium-ta oo ay gaadhsiin doonto 20 boqolkiiba.

Wakaalada wararka ee dalka Iran ee IRNA ayaa ku warantay in Afhayeenka Wasaarada Arimaha dibada Abbas Mousavi uu si diiran usoo dhaweynayo doorka Faransiiska ee xiisada taagan hoos loogu dhigayo, laguna sii wadayo heshiiskii Nuclearka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.