37 Qof Oo Ku Dhaawacmay Diyaarada Air Canada

Sydney, (HCTV) – Ugu yaraan 37 qof ayay dhaawacyo ka soo gaadheen shirkadda Air Canada oo xaaladi ay la soo daristay kadib markii ay si dhakhso ah usoo cago dhigatay.

Diyaaradan Air Canada ayaa siday 284 rakaab iyo shaqaalaha diyaarada isugu jiray waxaanay ka soo duushay Vancouver iyadoo u socotay Sydney balse waxay ku khasbanaatay inay si degdeg ah ugu dagto Hawaii.

Sodon qof oo ka mid ah rakaabkii diyaarada ayaa loo qaaday cusbitaalka Honolulu, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada bileysku.

Diyaaradan shilku qabsaday ee Air Canada ayay nooceedu ahayd Boeing 777-200 jet, waxaanay cilad kala kulantan dhinaca hawada.

Badi dadka dhaawacyadu soo gaadheen ayaa ka soo go’ay xaga sare ee diyaarada kadib markii ay madaxa ku dhufteen markii ay diyaaradu sida dhakhsaha ah ay usoo cago-dhiganaysay.

Waxaanay badi dadkii rakaabka ahaa ee diyaarada saarnaa ay ahaayeen kuwo anfariirsan oo aad u naxsan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.