Deraasiin Reer New Zealand Ah Oo Wareejiyey Hubkoodii, Ka Dib Weerarkii Lagu Dilay 51 Muslimiinta Ah

New Zealanders (HCTV) – Deraasiin reer New Zealander ah ayaa Dawladda Dalkaasi ku wareejiyey Hubkoodii fududaa, kaasi oo qayb ka ah Qorshe Dadka lagaga dhigayo Hubka Darooriga u dhaca.

khatarta Hubka Dadka Gacantooda ku jira, gaar ahaan Hubka daran-darooriga u dhaca ayaa khatartiisa lagu baraarugay xasuuqii Masaajiddada Christchurch loogu geystay Muslimiinta Afar bilood muddo laga joogo.

250-kii Qof ee ugu horreeyay ee Hubkooda Wareejinaya oo isaga kala yimid Dalka oo dhan ayaa Sabtida Maanta isugu yimid Magaalada Christchurch, halkaasi oo ah halkii 51 Qof oo Muslimiin cibaadaysanaya lagu laayey.

Dawladda oo taageero ka helaysa Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa markii dhibaatada Christchurch ka dhacday waxay Baarlamaanka ka codsadeen inay adkeeyaan Shuruucda Hubka.

Mulkiileyaasha Hubka ayaa haysta illaa 20-ka bisha December ee sannadkan 2019-ka inay Dawladda ku wareejiyaan Hubkooda, maaddaama oo Dawladdu Mabnuucdo Hubka fudud noocyo ka mid.

Booliska Qaabilsan inay kormeeraan Hub Wareejinta, ayaa sheegay 169 Qof oo Hub lahaa ay wareejiyeen 224 Qori iyo 217 qaybood oo Qalabka loo adeegsado ah, sida rasaasta.

Hubkaa ayaa markii la wareejiyey waxa lagu burburiyey meel xidhan oo la dhigay, laakiin Dadka Hubkaa Wareejiyey waxay Mag-dhow ahaan u heleen Lacag gaadhaysa $ 290,300.

Taliyaha Booliska Gobolka Canterbury, Mike Johnson ayaa sheegay inay gobolkiisa oo ay Christchurch ka mid ah laga diwaangeliyey 903 Qof oo hub leh, lana diwaangeliyey 1,415 Qori.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka